January 10, 2015 | Posted by admin

madaxweyne-xasan-sheikh
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan ay dowladiisa la dagaalami doono musuq maasuqa, kaasoo si baahsan u hareeyay hey’adaha dowladda Federaalka.

Hadal uu xalay ka jeediyay munaasabad lagu xusay sanad-guurada aas aaska Ciidamada Nabadsugida ayaa waxaa uu Madaxweynuhu sheegay in wixii hada ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin Musuq maasuq.

“Sanadkan waa sanadkii la dagaalanka musuq maasuqa, wax dulqaad ah oo loo yeelanayo ma jirto, sanadkan 2015 lama ogolaan doonin ku takri fal hantida qaran, hadii ay dhul ahaan laheyd, ku takri fal xafiisyada dowladda iyo shaqaalaha”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Xukuumada maalmaha soo socda la soo magacaabi doono aan Wasiirada xafiiska bedelaya laga yeeli doonin in shaqaale cusub oo jufadooda ay qortaan, halka shaqaalaha horay u joogayna la eryo sida uu yiri.

“Suurta gal ma ahan in Wasiirada ay soo xareystaan kuwa jufadooda ah, kuwa kalena la racdeeyo, shaqo dowladeed waxay ku timaadaa tartan furan, marka waxaa u xaqiijinaya dhalinyarada wax bartay in wixii aqoon ah lagu heli doonin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa dhowaan sheegay in ilaa 19 wasaaradood iyo saddex hey’adood ka tirsan dowladda lagu helay musuq maasuq, isla markaana ay ku jirto ku tagri fal awoodeed oo shaqaalaha dowladda ah.

Soomaaliya ayaa sanadkii la soo dhaafay ka gashay kaalinta ugu hooseysa ee musuq maasuqa Adduunka.

COMMENTS