July 30, 2014 | Posted by admin


R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay booqan doonaan dhawaan deegaannada Puntland, taasoo uu sheegay inay u tahay caddeyn xiriirka wanaagsan ee dowladda Soomaaliya iyomaamulka Puntland u dhexeeya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xiriirka maamulka Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan.

“Puntland waa maamul ka mid ah maamullada Soomaaliya ee xiriirka aadka u wanaagsan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana si cad u qirayaa in maamulkan uu yahay mid horumar ballaaran sameeyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu xusay in madaxweynuhu uu horay u booqday Puntland, haddana uu booqan doono mar kale, laakiinse isagu uu markii ugu hooreysay booqanayo Puntland.

C/weli Sheekh ma uusan sheegin xilligan u booqan doono Puntland iyo xilligu u madaxweynuhu booqanayo, balse wuxuu ku gaabsaday inay labadooduba booqan doonaan dhawaan.

Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu yahay mid wanaagsan oo sii xoogeysanaya.

COMMENTS