July 29, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid Soomaaliya uu salka ku hayo qabyaadda iyo waxyaabo aan u habbooneyn mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in laga gudbo qabyaalada iyo faqooqa dhexyaala umadda Soomaaliyeed, melna la isaga tuuro wax kasta oo ka hor immaanaya midnimada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan waxa uu tilmaamay in tallaabo kasto oo la damco in dhinaca wanaagga loo qaado ay caqabad ku noqonayaan dad eegaya danaha qabaa’ilka ay matalaan, kuwaasoo u baahan in la qanciyo.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga oo uu shalay kula dukaday boqolaal dad weyne ah.
Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay la sheeqeeyaan oo ay taageero u muujioyaan dowladda Soomaaliya,isagoo balan qaaday in dowladda ay ku dadaaleyso dhaqan gelinta wax yaabihii ay horay u balan qaaday.

COMMENTS