July 6, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole iyo Xubno uu Hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Jaamac Ilkojiir iyo Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan ayaa kusoo laabtay maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garoowe waxa kusoo dhaweeyey gegida diyaaradaha  Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire,wasiiro iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Faroole oo Saxaafadda kula hadlay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa ka warbixiyey Safaradii kala duwanaa ee dalal dhowr ah kaga soo qeybgalay Shirar looga hadlaayey arrimaha Soomaaliya iyo kuwa gaar u ahaa Puntland.

Waxa uu tibaaxay in laba mar uu ka qeybgalay Shirar looga hadlaayey arrimaha Soomaaliya gaar ahaana Saxiixayaasha Road Map-ka kuwaas oo dhamaadkii bilihii May iyo June ka kala dhacay Addis Ababa iyo magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxa uu Faroole sheegay in uu ka qeybgalay Wajigii labaad ee Shirkii Istanbul ka dhacay kaas oo looga hadlaayey Xaaladda murugsan ee dalka Soomaaliya isla markaana waxa uu intaas ku daray in Qodobada markii hore dhan loo Jeediyey balse Shirka ka dibna la saxay cabashada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa waxa kale oo uu xusay in dalka India uu kaga soo qeybgalay mar uu booqday bishii May isla markaana ay madaxda dalkaas ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka koocaha Burcadbadeeda iyo xal u raadinta dalka Soomaaliya iyo arrimo kale oo ay kamid tahay horumarinta Puntland oo ay India dooneyso.

Madaxweyne Faroole ayaa Puntland ka maqnaa muddo 55-maalmood ah,waxana hadda jirta in Baarlamaanka Puntland ay aad u dhaliileen Siyaasada Xumadiisa sida dhanka Siyaasadda, dhaqaalaha, amaanka iyoarriha gudaha.

COMMENTS