August 2, 2012 | Posted by admin

Dawladda Puntland ayaa ka hadashay go’aan ay maanta golaha Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug madaxweye ugu doorteen Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid) oo horay u ahaan jiray Wasiirka Macdanta iyo biyaha iyo Talyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Xukuumadihii DKMG ahaa soo maray.
Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta la hadlay Saxaafadda ayaa ka hadlay mowqifka Dawladda Puntland ka taagan tahay Isbadelka cusub ee ku yimid maamulka Galmudug iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hawsha ay u taalo reer Galmudug isla markaana aysan Puntland ku faragelin doonin maadaama buu yiri cid walba meesha ay degan tahay iyadu ay mas’uul uga tahay Shacabkeeda iyo cida ay Xukunto.
…””Arrimahas dee meel walba cidii degan iyadaa akhyaarkeed leh anagu faragelin kuma lihin,waxan ka rajeyneynaa inay noqoto maamulkaas mid khayr qaba oo nala shaqeeya oo aan deris nahay oo aanaan kala baxsaneyn…””ayuu yiri Farole.
Faroole oo laga dhadhansan karayey hadlkiisa in uu Saluugsanaa Madaxweynihii Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in Caalin uu kala shaqeeyey Puntland hawlaha Dastuurka isla mar ahaanata uu gacan weyn ka geystay dardargelitiisa iyo sidii lagu ansixin lahaa intaba.
…””Raggii hore oo meesha hadda joogay oo u kamid ahaa Maxamed Axmed Caalin waa nagala shaqeeyey Dastuurkas maanta lagu dhawaaqay gacanweyn buu ka geystay wax badan oo kale buu nagala shaqeeyey in Kumeelgaarku uu dhamaado,waxan rajeyneynaa maamulkasu isga ikhyaar u leh cidii uu dooranayo iyo cida uusan dooraneyn laakiin anaga waxaa nala gudboon inaanu derisnimo wanaaga kala shaqeyno iyana nagala shaqeeyaan…”“ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu xusay in uu ka filayo dhinaca maamulka Galmudug sidii Dawladda Puntland ay ugala shaqeyn lahaayeen la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda iyo Al-Shabaab oo muddooyinkan hawlgalo looga Sifeynaayo ay Ciidamada Puntland ka wadaan magaalada Gaalkacyo ee cxarunta gobolka Mudug.
..””Wax badan baa ka xun Gaalkacyo iyadoo Operation [Hawlgal] ay Puntland kaga jirto heer oo la qaqabanaayo Burcadbadeed iyo Al-shabaab intaba marka Burcadbadeed iyo Al-Shabaab maadaama dhinacas ka shisheeya Gaalkacyo aysan degenayn waxan rajeyneynaa maamulka Galmudug inaan is kaalmeysano oo aan gacan isa siino si aan ceebta Soomaaliya uga tirno meeshaas ka shisheysa ilaa Hoboyo, Xarardheere iyo Ceelbuur oo Al- Shabaabku iyo Burcadbadeedu fadhiyaan oo dad badanoo Umadaha aduunka kamid ahna si xaqdaro ah loogu haysto in Xornimadooda loo soo celiyo aan iska kaashano iyana saasaan ka rajeynayaa…”“ayuu kusoo koobay hadalkiisa.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa noqonaya Madaxweynihii Saddexaad oo u yeesho maamulkas ka dib markii la aasaasay 2006,waxaana isagu si weyn uga horyimid talaabadan Madaxweynihii hore Maxamed Axmed Caalin oo ka dhawaajiyey in waxa meesha ka dhacay uusan ku qanacsaneyn isla markaana uusan magacaabin guddiga doorashada oo dad gaar ah ay wataan.

COMMENTS