April 13, 2014 | Posted by admin


Muqdisho – Maddaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Imaaraatka Carabta (UAE) danjire Mohamed Al-Othman.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo UAE sii xoogeysto. Dowladda Imaaraadka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” ayuu yiri danjire Mohamed Al-Othman.

Sidoo kale, Safirka ayaa sheegay in Imaaraatku uu mashaariic horumarineed ka wado Somalia iyo gar-gaar bani’aadanimo, isla markaana ballan-qaaday in dowladiisa ka caawin doonto Soamaaliya arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri ”Waxaan uga mahad-celinayaa dalka UAE inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in UAE uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.”

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

Shalay ayay aheyd markii wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu dajniraha Imaaraatka Carabta ku qaabilsay xafiiskiisa, iyadoo labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo balaarinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Imaaraakka.

COMMENTS