May 16, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyay in ciidamada Dowladda aan loogu dul qaadaneyn inay tacadi u gaystaan dadka Shabaabnimada ku eedeysan ee barista ay ku socoto.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso dhowrsanaanta qofka muwaadinka ah ee gacanta Dowladda ku jira, isaga oo sheegay in Dowladda aysan wax dhib ah ugeysan doonin qofkaasi.

Wuxuu kaloo sheegay Madaxweynaha hadii ay jirto dhibaatooyin ciidamada ay u geystaan dadka barista ay ku socoto inaan loogu dul qaadaneyn inay tacadigaasi u geystaan dhalinyarada, wuxuuna sheegay in Askari waliba iyo Sarkaal kasta oo tacadigaasi raali ka noqdo Dowladda ay sharciga hor keeni doonto.

“Hadii uu tacadi uu jiro lagama yeelaayo Askarta inay tacadi geystaan, shaqo dhib badan ayeey haayaan, laakiin inay tacadi geystaan lagama yeelaayo, Sarkaalkii tacadi geysta isaga laftiisa ayaa sharciga la horgeynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka iyo Masuuliyiinta Dowladda in fursad loo siiyo laamaha ammaanka barista dadka eedeysanayasha ah.

“Dowladda waxa ay ka shaqeynaysaa inaan wiilkaasi lagu xadgudbin gacanta Dowladda intuu ku jiro, hadii wax lagu helo, wixii ciqaab ah oo xeer sharci ah ayaa la marsiinaa, hadii wax lagu waayana isaga oo nabad qabo ayaa lasoo deynayaa, laakiin Hay’adaha ammaanka in fursad loo siiyo waaye, odayasha Beelaha iyo masuuliyiinta Dowladda waxaan ka codsanayaa inay ciidamada u ogolaadaan baaris inay sameeyaan.” Ayuu raaciyay Madaxweynaha hadalkiisa.

Xabsiyada Dowladda ayaa waxaa ku jira dhalinyaro badan oo dhiban, kuwaasi oo aan cadaalada helin.

COMMENTS