August 1, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Kaddib markii saakay booqasho uu ku tagay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha Dalka ayaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxa uu kulamo kula soo qaatay qeybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi oo uu kala hadlayay xaalada ay ku sugan yihiin iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in ay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xero ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliyeed ee magaalada Garbahaarey, waxaana markii halkaasi uu gaaray uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankaasi waxaana uu kula dar daarmay in ay kordhiyaan waajibaadka Qaranimo ee laga doonayo islamarkaana ay jiiraan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al Shabab, waxaana uu u sheegay in Dowladda ay il gaar ah ku fiirin doonto ayna xuquuqaadkooda u dhameystiri doonto.

Gabagabada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa Booqday Qabriga uu ku aasan yahay Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre isagoona hakaasi ugu Soo duceeyay.

COMMENTS