March 25, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa caawa kulammo la yeeshay ergooyinka shirka dib u heshiineed ee ka socda magaaladaas.
Ergada ayaa madaxweynaha u gudbisay warbixin ku aaddan hawlaha ay qabteen, guulaha laga gaaray iyo shaqooyinka u dhimman, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ergada uga mahadceliyay hawsha ay qabteen, wuxuuna ku boorriyay inay dhammaystiraan inta dhimman, si loogu gudbo qabashada shir maamul loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Kulammada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo xubno ka ah wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku sugan Dhuusamarreeb.
Booqashada madaxweynaha ee gobolka Galgaduud ayaa ku salaysan dardar galinta shir maamul loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

COMMENTS