February 10, 2015 | Posted by admin

madaxweyne-xasan-sheikh
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamreeb ee xarunta maamulka Galguduud.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in madaxweynuhu uu kulamo kula qaadan doono degmada Dhuusamreeb qeybaha bulshada ee gobolka.

Qabanqaabo xoog leh oo loogu jiro dhisidda maamul-goboleedka gobollada Mudug iyo Galgudud ayaa ka soconaysa degmada, ayadoo ay ku sugan wakiilo ka socda bulshada gobolladaasi.

Sidoo kale, Taliyaha hay’adda nabad-sugidda qaranka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku sugan degmad Dhuusamreeb.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan guddi u saartay maamul u sameynta bulshada gobollada dhexe oo ay horay uga jireen saddex maamul oo kala duwan.

Wariyaha Radio Muqdisho ee dgmada Dhuusamreeb Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ku soo warrammaya in qabanqaabo xoog leh oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha ay ka socoto degmadaasi.

COMMENTS