April 6, 2015 | Posted by admin

299224A7-2531-4F17-BCC8-09E5A759B838_w640_r1_s_cx0_cy7_cw63
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii ay ku dhinteen 148 ee ay dabley ka tirsan al-Shabaab ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay ajandaha al-Shabaab u yahay inay kala qeybiyaan muslimiinta iyo masiixiyiinta, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladdiisa lala socodsiiyay isagoo in nin ka mid ah dableyda uu dhalay sarkaal Kenya ka tirsan isla markaana ay baadhis arrintaasi imika ku socoto.

Madaxweyne Xasan ayaa beeniyay hadallo ka soo yeeray qaar ka tirsan hoggaamiyayaasha bulshada ee Waqooyi-Bari Kenya oo ay ku sheegeen in xeryahah qaxootiga lagu xiriirinayo qul-qulatooyinka Kenya, isagoo sheegay inaanay jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya xeryahah qaxootiga iyo argagixisida.

Madaxweyne Xasan ayaa wareysi gaar ah oo VOA siiyay wuxuu ku sheegay in qorshe ay dowladda Kenya ay ku doonayso inay gidaar uga dhisto xadka Kenya iyo Somalia aanu ahayn mid celin kara cadaawadda iyo fikirka al-Shabaab.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay leedahay istiraatiijiyo ku aadan xubnaha ka soo noqonaya mabda’a al-Shabab ee doonaya inay dowladda ku soo biiraan, kuwaasoo uu sheegay inay ka faaideysteen laba cafis oo dowladdu u fidisay. Madaxweynaha wuxuu sheegay in ciddii al-Shabab ka tirsan ee doonaysa inay diidaan fikirka al-Shabab ay dowladdiisu soo dhaweynaso, balse kuwa wata fikirka “Takriifiga” aysan la hadli dooni.

COMMENTS