September 27, 2016 | Posted by admin

Muqdisho-Vila Somalia”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India dib dalka loogu soo celiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalida ku xiran magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra uu arintooda kala hadley Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi, isla markaana labada dal uu haatan u socdo wadahadal dhanka sharciga ah oo arrintan lagu xalinayo.

“Waxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo safaaraddeena aan ku leenahay magaalada Delhi oo iyagoo kaashanaya qareenada u doodaya maxaabiista si fiican u gudagaley kiiska wiilashan xiran’’.

Madaxweynaha ayaa beeniyay warar shacabka lagu marin habaabinayo oo beryahan warbaahinta ku soo noqnoqday.

“Wararka beryahan ay isla dhex-marayeen qalabka warbaahinta ee ahaa inay jiraan in 50 Soomaali ah oo xukun dil ah lagu riday waa kuwo been abuur ah, dadka ayaana lagu jahwareerinayey. Sida ay safaaraddeena iyo qareenada inoo xaqiijiyeen dembiyada raggan Soomaalida ah lagu haysto kuma jirto wax ay ciqaab dil ah ku muteysan karaan. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India ayaa tiradooda ay boqol kor u dhaafeysaa, waxaana ay ku eedeysan yihiin dembiyo burcad badeednimo.

Intii u dhexeysa 2012 ilaa 2014 waxay dowladda Soomaaliya ka shaqeysay, kuna guuleysatey sii deynta 98 maxaabiis Soomaali ah oo ku kala xirnaa dalala India iyo Maldives.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS