September 10, 2014 | Posted by admin

xasan-300x200
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddiga amniga qaranka ayaa magaalada Muqdisho uga wada hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro malleeshiyada Al-Shabaab.
Guddiga iyo madaxweynaha ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo uu ka mid yahay qaabka uu u socdo howgalka loogu magacdaray “Badweynta Hindiya” ee lagu sugayo ammaanka dalka, laguma xaqiijinayo dadaallada nabadda.
Madaxweynaha ayaa u jeediyay ciidammada dowladda inay sii wadaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee looga sifeynayo guud ahaanba dalka, wuxuuna ku ammaanay dadaalladooda ku aaddan xaqiijinta amniga dalka.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wasiirrada gaashaandhigga, amniga qaranka, arrimaha gudaha iyo Caddaaladda ayaa ka qeybgalay kulanka.

COMMENTS