April 20, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shir weyne qaran oo looga hadlayo amniga dalka.
Madaxweynaha ayaa khudbad dheer ka jeediyay shirka oo ka furmay Hoteel Jaziira ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in amniga oo soo maray marxalado kala duwan uu hadda wanaagsan yahay, loona baahan yahay in la sii adkeeyo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in horumar iyo kala dambayn ka hirgasha dalka ay ku xiran tahay amniga oo hagaaga.
Wuxuu intaas ku daray in amniga lagu sugi karo wada-shaqayn dhex marta ciidamada ammaanka iyo dadweynaha Soomaalida, wuxuuna ku dardaarmay in la iska kaashado sidii dalka looga saari lahaa marxaladda adag, iyadoo loogu hor marinayo nabadgalyada.

COMMENTS