July 31, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.
Guddoomiyaha magaalada Garbohaarrey Iimaan Caddow Kaarshe oo la hadlay Bar-kulana ayaa sheegay in uu madaxweynaha kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay adkeynta nabadgelyada iyo abaaro saameyn ku yeeshay deegaanno ka tirsan gobolka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dowladdiisa ku dedaali doonto wax ka qabashada baahiyaha ka jira gobolka.
Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tago Gedo, tan iyo markii uu qabtay xilka.

COMMENTS
  1. You actually make it appear really easy with your presentation but I in finding this matter to be really one thing that I believe I’d by no means understand. It kind of feels too complex and extremely extensive for me. I am looking ahead in your next publish, I will attempt to get the hang of it!
    Authentic shoes louis vuitton //a222.fabulouslygreen.co.uk