November 16, 2012 | Posted by admin

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha jamhuuriyadda federaaka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu beeniyay war ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, oo sheegayay inuu madaxweynuhu oggolaaday in la dhoofiyo dhuxul taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in uu madaxweynuhu waafaqsan yahay mowqifka dowladda Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu mamnuucay doofinta dhuxusha Soomaaliya, iyadoo lagu beeniyay inay wax iska beddeleen mowqifka madaxweynaha ee arrintaas ku saabsan.

Madaxtooyadu waxay mas’uuliyad-darro ku tilmaantay warka Reuters oo ay sheegtay inuu si qaldan u xigtay shir jaraa’id oo uu shalay madaxweynuhu uga hadlay arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “maxaweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladdu aad isugu dayeyso in ay xal ka gaarto arrinta aadka xasaasiga u ah ee la xiriirta dhuxusha, xalkaasoo ka hortagaya xaalufinta deegaanka, raadinayana sidii meesha looga saari lahaa dhuxusha haatan taalla, iyadoo la eegayo danta muwaadiniinta, sidaas darteedna madaxweynuhu wuxuu sameeyay guddi ka soo talabixiya go’aanka ugu habboon.”

Madaxweynaha ayaa ku celiyay inuu garab taagan yahay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay looga codsaday inay qaataan tallaabooyin muhiim ah oo lagu hor joogsanayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. Wuxuu Reuters ka codsaday inay raalligelin ka bixiso warka la been-abuuray.

COMMENTS