July 24, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay maamulka Puntland oo ah maamul ay wadaagaan sohdin inay ka yimaadaan wax waliba oo khilaaf abuuri kara,islamarkaana deganaasho ku noolaasho Labada shacab ah la sameeyo.

Wuxuu sheegay C/kariin Xuseen Guuleed in maamulka Puntland iyo Galmudug uu dhexmari doono iskaashi dhanka siyaasada ah sida adkeynta amniga,dhaqaalaha iyo waliba arimo kale.

Sidoo kale,madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug ee siyaasada kala geysay inay u soo dumaan sidii ay kaga shaqeyn lahaayeen deganaashaha iyo xasiloonimada maamulka,islamarkaana kaga imaan lahaayeen muranka siyaasadeed ay qabaan.

Hadalkaan ayuu madaxweynaha maamulka Galmudug ka sheegay munaasabad casho sharaf ah oo xalay ka dhacday magaalada Cadaado.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay lagu caleema saaray magaalada Cadaado,waxaana munaasabada caleema saarka ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh iyo mas’uuliyiin kale.

COMMENTS