April 19, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreeysay sheegay Soomaalida ku nool dalkaasi inay doonayan sidii ay u burburin lahaayeen,waxuuna intaasi ku daray inay socon doonan howlgallada ay ciidamada ammaanka Kenya ka wadan magaalada Nairobi iyo qeybo ka mid ah dalkaasi.

Waxaa uu tilmaamay Kenyatta inay ciidamada Kenya ka hortagaan in dalkooda ay burburiyaan Soomaalida xilligaan ku nool.

…”””Soomaaliya waa dal aan dawlad laheyn muddo dheer, marka Soomaalidu waxay doonayaan inay dalkeenna u bur-buriyaan sidii ay dalkooda u burburiyeen marka waan iska celinaynaa,..”””ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Waxa akalo uu sheegay in dowladdisu ka go’antahay sidii ay u musaafurun lahaayeen dadka an sharciga ku joogin Kenya.

..””Soomaalidu markii dalkoodu burburay waxay u kala firxadeen dalal badan oo ay ka mid tahay Kenya, waxayna billaabeen inay isku dayaan inay dalalkaas burburiyaan, go’aanka aan dalkeenna uga saarayno dadka sharci-darrada ah waa inaanay u helin fursad inay dalkeenna burburiyaan,..””‘ayuu Kenyatta hadalkiisa raaciyay.

Hadalkaan waxuu ku soo aadaya xilli kumaanan Soomaali ah lugu qab qabtay howlgallo laga sameeyey xaafadda Islii,waxaana Muqdisho lugu soo celiyey boqallaal Soomaali ah kuwaaso si sharci darro ah horay ugu joogay dalkaasi,waxaana jirta in boqollaal kale ay ku xir xiran yihiin xabsiyada dalkaasi.

_____

COMMENTS