February 16, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay mashruuc iskaa wax u qabso ah, isagoo shacabka Soomaaliyeedna ku boorriyay in ay ka qeyb qaataan mashruucaasi si dalka dib u dhiskiisa loogu istaago.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo si isdaba joog ah uga qeyb qaadanaya is dhexgalka Bulshada ayaa ku dhawaaqay in dadka Soomaalilyeed ay u istaagaan sidii dalka loogu dhisi lahaa mashruuc iskaa wax u qabso ah, isagoo tilmaamay in ummada Soomaaliyeed ay yihiin dad u heelan dib u dhiska dalkooda iyo horumarintiisuba.

Madaxweyne Shariif sheegay in dadka ugu horreeya ee laga doonayo in ay u istaagaan mashruuca iskaa wax u qabso  ay yihiin Ganacsatada oo uu xusay in looga baahan yahay in ay qalabka dhismaha keenaan, waxa uu intaa raaciyay in ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay iyaguna ay qeyb ka yihiin dadk dib u dhiska dalka ka qeyb qaadanaya.

Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa carabka dhuftay  in shacabka Soomaaliyeed  ay u diyaar garoobaan isdiinwaan galinta mashruuca dalka lagu dhisayo, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkeena uu yahay mid Hodan ah isla markaana loo baahan yahay in shacabku ay ka faa’ideystaan.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in goobaha ugu muhiimsan ee mashuura laga billaabayo ay noqon doonaan xarumaha Waxbarashada iyo dhammaan goobaha adeegada Bulshada.

COMMENTS