February 18, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in nabad ka xasisha gayiga Soomaaliya ay tahay mid u riyaaqayaan dhamaan beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed oo mudo badan dagaalo Sokeeye ku soo jiray.

War uu xafiiskiisa Baaris ka soo saaray saxaafaduna ay baahiyeen ayuu ku sheegay hadalkaan Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande,oo ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya haatan halka ay marayaan.isagoona tilmaamay in Soomaaliya ay ka tooseeyso fadhi in mudo ah dib u dhigay oo horumarkii u diiday.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa hadalkiisa ku sheegay inuu doorbidayo in dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya gacmaha isqabsadaan islamarkaana ka gudbaan kala qubnaanta iyo fowdada meelna kaga wada horjeestaan cadowga uu ku sheegay in caqabad uu ku yahay nabada dalka iyo xasiloonida,waa sida uu hadalka u dhigayee.

“Farance waxay rajeyneysaa in Soomaaliya xasisho oo xal buuxa laga gaaro Nabada si taasi loo helana waanu garab istaageynaa shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed”,ayuu yiri Mr Holand.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha dalka Faransiiska Farancois Holand ayaa ka hadlay doorashada lagu wado inay ka dhacdo dalka Kenya,isagoona ku baaqay in doorashadaasi ay ku dhacdo si nabad galyo ah,maadaama uu sheegay in Kenya ay haatan xuduud la wadaagto dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan Kooxo islaamiyiin ah kuwaasi oo laga yaabo in dhibaato ama ay carqaladeeyaan hanaanka doorashada sida Mr Holan uu shaaciyay.

COMMENTS