December 28, 2013 | Posted by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladdiisu ay ciidamo dheeraad ah muddo saddex toddobaad gudahood ugu dirayso dalka Somalia.

Ciidamadan oo gaaraya hal guuto ayaa ku biiri doona ciidamadii horey Djibouti uga joogay gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Madaxweynaha Djibouti oo wareysi khaas ah siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay wadaan ciidamada Djibouti iyo dowladda Soomaaliya oo la doonayo in ururka al-Shabab looga qabsado degmada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan.

Wareysiga khaaska ah ee madaxweyne Geelle u siiyay idaacadda VOA, ayuu uga hadlay muranka u dhaxeeya dowladdaiisa iyo mucaaradka Djibouti iyo sida lagu xalin karo, sidoo kale wuxuuu ka hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaa khilaafka madaxda Soomaalida dhexmara, nidaadmka federaalka ee Soomaaliya iyo qodobo kale,

COMMENTS