August 29, 2014 | Posted by admin

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa maanta loo dhaariyay in uu noqdo Madaxweynihii 12-aad, ee uu yeesho dalkaasi Turkiga, markii uu horaantii bishaan ku guuleystay doorashada Madaxtinimada ee Turkiga.

Caleemo saarka, ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Turkiga ee Magaalada Ankara, waxaana ka qaybgashay wafuud heer caalami ah, oo ay ku jiraan Madaxweynayaal, Wasiiro iyo xubno kaloo muhiim ahaa oo lagu soo casuumay.

Madaxweynihii hore ee Turkiga Abdullah Gül, ayaa waxa uu tallada dalka si buuxdo ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Turkiga, kaasoo dalka hogaamin doono 5-ta sano ee soo socoto.

Madaxweynaha cusub waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, iyagoona u garaacay muusikada astaanka ee Calanka Turkiga.

Qoyska Madaxweyne Erdoğan, ayaa la arkaayay iyagoo ku sugan madasha uu xilka kula wareegay, waxaana laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin tallaabada uu hogaanka dalka Turkiga kula wareegay.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa waxa uu isna noqonayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalkaasi iyo hogaamiyaha Xisbiga Doorashada ku guuleystay ee (AKP).

COMMENTS