April 22, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo booqasho ku tegay Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay labada madaxweyne ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo doorka ay ciidamada Burundi ka qaateen howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Pierre Nkurunziza ku soo dhoweeyo Muqdisho, isagoo dowladda iyo shacabka Burundi uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inaanay Soomaaliya illaawi doonin dedaalka naf-hurnimo ee ay sameeyeen ciidanka Burundi si ay uga qeyb qaataan soo celinta xasilloonida Soomaaliya, wuxuuna ku amaanay inay kaalin firfircoon ka qaateen in kooxaha nabad-diidka ah laga saaro magaalooyin muhiim ah.

Ciidamada Burundi ayaa howlgalka AMISOM ku biiray dabayaaqadii sanadkii 2007, iyagoo ka qeyb qaatay dagaalkii ay ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya la galeen Al-Shabaab.

COMMENTS