May 16, 2015 | Posted by admin

150515151418_nkurunziza_553x360_afp_nocredit (1)
Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa amray in la joojiyo dhammaan dibadbaxyada loogaga soo horjeedo kaddib iskudaygii xilka looga tuuri rabay ee dhicisoobay. Waxa uu sheegay in inqilaabkii dhicisoobay iyo dibadbaxyada ay xariir leeyihiin.
Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay ciidammada ammaanka kuwaasi oo ka hortagay kacdoonka.
Mr Nkurunziza ayaa waxa uu ku sugnaa waddanka Tanzania markii koox ka tirsan hogaamiyayaasha milateriga ay iskudayeen in ay awoodda ka tuuraan, kaddib todobaadyo ay socdeen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo hamigiisa ku aadan in uu u tartamo in uu mar saddexaad xafiiska qabto.
Kuwa soo qabanqaabiyay dibadbaxyada ayaa beeniyay in ay xariir la leeyihiin inqilaabka, waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada.

COMMENTS