October 12, 2017 | Posted by admin

Maanta oo ah 12 October, waxay ku asteeysan tahay maalintii ugu horreeysay ee Calankeenna Soomaaliyeed gayiga laga taagay, Sannadkii 1954tii. Waa maalin inaga mudan xusuus iyo weyneeyn sidaa darteed, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa maalintaan qiimaha innoo leh.

Calanka, waxaa naftooda u soo huray halyeeyo Soomaaliyeed anagana waxaa ina laga baahan yahay inaan muhiimadiisa dhowrno islamarkaana ilaalino, kana shaqeeyno Qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

EEBBE, waxaan ka baryayaa Soomaaliya oo mid ah, xasilloon, hiigsatana horumar baaxad weyn..

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS