March 17, 2017 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa ayaa maanta waxa ay ka ambabaxeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh.

Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay Diyaarad qaas ah in Xasan Sheekh iyo Qoyskiisa ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, iyaga oo uu kii sii jeeda Dalka Turkiga oo ay degan yihiin Qoyskiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weligiisa ahaan doona Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo loo yaqaano Xildhibaan Sharafeed ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ku soo laabto dhawaan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa 16-kii Febraayo ee sanadkan si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 8-dii Febraayo lagu doortay magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaaliya kadib Doorasho taariiqi aheyd oo Muqdisho ka dhacday.

Xasan shiikh ayaa sheegay dhawaan in uu deganaan doono Muqdisho hasa yeeshee lama oga waxyaabaha keenay in uu uduulo Dalka Turkiga.

COMMENTS