December 4, 2016 | Posted by admin

Madaxwaynaha Jamhuuriyada soomaaliya xasan shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dalka soomaaliya ay dhibaato ku hayaan saxafiyiinka ku sugan Dalka dibadiisa kuwaas oo ka qaxay dalka.

Madaxwayne xasan ayaa sheegay in Saxaafadu ay Hormuud utahay dhibaatada ka jirta dalka waxa uuna xusay in ay jiraan saxafiyiin wax ka qora arimaha soomaaliya iyagoo ku sugan dal shasheeye.

Xasan shiikh Maxamuud ayaa Tilmaamay in arimaha Horumarka ay ka soo Hor jeedaan Saxafiyiin Yar yar oo Lab-toobyo Meel la fadhiya oo bulshada udaabaca wax aan jirin.

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid ah dalalka hada dhaqaalahoodu soo korayo waxa uuna sheegay madaxwayne xasan in dadkiisu ay utashadeen sidii dowlad ay uheli lahaayeen waa sida uu xasan Shiikh Sheegay.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo dowlada hada jirta ayaana isku wanaagsaneen Marka laga fiiriyo dhanka Xariirka waxaana jirta in dhowr jeer awaa miir kala duwan lagu soo ragay.

waxaana ugu dambaysan in dhawaan laga Mam-nuucay Tegista Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxa ayna aheed 21 09 2016

Maxamed Daacad Muqdisho.

 

COMMENTS