March 19, 2012 | Posted by admin

DUHUR–Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaalia Sh Shariif Sh Axmed ayaa gaaray Magaalada Khartuum ee caasimadda Dalka Sudan.

Shariif Sh Axmed oo ay la socdaan wafdi katirsan Xukumada Dr Gaas ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Khartuum kaga hortagay Madax katirsan Dowlada Dalka Sudan. Waxaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyagoo kawada hadli doona Xariirka labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada KMG ayaa dhigiisa Sudan kala hadli doona sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhextaaagan Sudan iyo Dalka da’da yar ee Koofurta Sudan. Madaxweynaha Dowlada KMG ayaa ku jira Gudi loo magacaabay sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Labada Dowlada ee Koofurta Sudan iyo Dowlada Sudan.

Shariif Sh Axmed ayaa laga sugayaa in uu kaalin ka qaato xal u helida labada dal oo gaartay marxalad Xukumada Cumar Xasan Al-Bashiir ay ku hanjabaan Dagaal. Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa ku casuumay Madaxweynaha Soomaalia in uu kaalin ka qaato xal u helida labada dal.

COMMENTS