August 20, 2016 | Posted by daacad yare

S/Guud Max’ed Cali Samatar wuxuu ku dhashay magaalada Golashacaan oo u dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose, sanadku markuu ahaa 1931dii, wuxuuna yaraantiisii ku barbaaray nolol miyi & magaalada u dhaxeysay oo u badneyd magaalooyinka Yoontooy, Goobweyn, Warkoy & Kismaayo.

 

Aabihiis Sh. Cali Samatar waxa uu geeriyooday isaga oo 6 bilood jira, waa madi waxaana la dhashay gabdho, hooyadii waxay ku geeriyootay magaalada Muqdisho, horraantii sanadkii 1980-muqdisho ayaana lagu aasay.

Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaalla magaalada Yoontooy, wuxuuna waxbarashadiisii uu dhammeystay isaga oo 17 jir ah, ka dib markii uu dhowr sanadood dhiganayay dugsigaasi waxaa u suuragashay in tarjubaan uu u noqdo beeraleydii Talyaaniga aheyd & shaqaalihii Soomaalida ahaa ee u shaqeynayay.

Sanadkii 1948kii waxa uu magaalada Yoontay kaga biiray ururkii Dhallinyada Soomaaliyeed ee “SYL”ee gobonnimadoonka ahaa, wuxuu kaalin firfircoon kaga jiray xubnihii ugu firfircoonaa ee dhaqdhaqaaqaasi, wuxuuna horseed ka ahaa dibadbaxyadii ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Sanadkii 1949kii waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, wuxuuna Bishii November sanadkii 1949kii ka mid noqday askartii Xiisaanleeyda lagu magcaabi jiray wuxuuna ka mid noqday qeybtii madaafiicda.

Inta uu ciidamada ku jiray ayuu dhammeystay waxbarashadiisii dugsiga hoose dhexe, wuxuuna alifkii ugu horreeyay qaatay 1952kii.

Max’ed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa askar uu si gaar ah gumeysigii isha ugu heyn jiray laguna cadaadin jiray xiriirkii uu la lahaa dhaqdhaqaaqii gobannimodoonka ahaa.

2dii bishii August sanadkii 1952dii oo ku began markii uu dagaalka ka dhacay magaalada Kismaayo cutubkii uu ka tirsanaa waxaa loo diray isaga & dad la sheegay in ay xulafo la lahaayeen waxaa loo taxaabay xabsiga, muddadii ay rabshadaha ka socdeen iyadoo gumeysigii cabsi ka qabay waddaniyiintii ay garabsiinayeen.

S/Guud Max’ed Cali Samatar waxaa si gaar looga cabsi qabay sirtii & mu’aamaradihii gumeysiga inuu u gudbin jiray xubnaha ururkii “SYL”. Sanadkii 1952dii Waxbarashadiisii heer sare ayey gaartay, wuxuuna ku guuleystay imtixaankii sarkaalnimo wuxuuna ka mid noqday saraakiil loo diray dalka Talyaaniga sanadkii 1954kii.

Doorashooyinkii dowladaha hoose “Municipality”ee dalka ka dhacay Sanadkii1954kii,Talyaaniga waa uu ku hungoobay waxaana si lixaad leh ugu guuleystay Ururkii SYL, iyadoo waqtigaasi codka badankiis ay bixiyeen askartii Soomaalida aheyd

Isla sanadkaas S/Guud Max’ed Cali Samatar waxa uu tababat u tagay dalka talyaaniga kulliyadda “Cessino Di Roma” ee dalka Talyaaniga waxa uuna soo dhammeystay waxbarashadii loo diraySanadkii 1956kii, markaas oo uu qaatay xiddigtii ugu horreysay. Tababarkaasina waxaa loo diray 14 sarkaal oo uu ka mid ahaa S/GuudMax’ed Cali Samatar wuxuu noqday ruuxii galay kaalinta 1aad, wuxuuna kooxdaasi u noqday hoggaamiye.

Markii ay dalka ku soo laabteen isaga oo qaba tababar mileteri, haddana wuxuu ka mid noqday ciidamadii boliiska, ka dib markii la baabi;iyay ciidamadii uu ka tirsanaa, markaa ka dib waxa uu tababar 6 bilood ah ku qaatay dugisga sare ee boliiska ee magaalada Muqdisho.

Tababarkaas ka dib, S/Guud Max’ed Cali Samatar waxaa lagu qoray qeybtii boliiska ee gobolka Banaadir oo uu waqtigaas taliye ka ahaa Allaha u naxariistee Max’ed Siyaad Barre, xiriir wanaagsanna ay yeesheen..

Sanadku markuu ahaa 1957dii S/GuudMax’ed Cali Samatar waxaa loo badalay in uu taliye ka noqdo saldhigyadii boliiska ee magaalooyinka Baraawe, Golweyn, Jannaale, waxaaSanadkii xigay ee 1958dii loo soo badalay xafiiska maamulka boliiska “Personal Office”ee xarunta dhexe isaga oo 2 xiddigle ah.

Aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegneyd Sanadkii 1960kii wuxuu ka mid noqday xubnihii salka u dhigay Aasaaskii ciidankaas. Bishii Maajo sanadkii 1960kiiwaxaa la furay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xalane waxa uu isaga oo 3 xiddigle ah ka noqday taliye ku xigeen.

Sanadkii 1962dii wuxuu muddo 2 sanadood ah uu ka shaqeynayay xafiisyada maamulka xaruntiisa dhexe ee xoogga dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu ka shaqeynayay muddo ku dhow 2 sanadood.

Dagaalkii dhexmaray dalalka Soomaaliya & Ethiopia sanadkii 1964kii wuxuu abaanduule ka ahaa ciidamadii qeybta Waqooyi. Dagaalkaas oo uu S/Guud Max’ed Cali Samatar lagu guddoonsiiyay bilad geesi, isaga oo ciidamadii uu hoggaaminayay dhabar jab & dharbaaxo weyn ay u geysteen ciidamadii cadowga ahaa , waxaana mar kale la guddoonsiiyay bilad maar ah waxaana loo dalacsiiyay Darajada G/Dhexe.

Sanadkii 1965kii waxaa tababar dhinaca ciidamada ah loogu diray dalkii la oran jiray Midowgii Sofiyeetka ee “USSR” halkaasi oo uu tababar muddo 2 sanadood ah uu ku soo qaatay Akadeemiyada lagu magcaabo”Frunzi”.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxaa uu madax ka noqday hoggaankii Cilmi baarista ee ay howshiisu aheyd horrumarinta Teknolojiyadda Ciidamada, isaga oo fulinaya barnaamijkii lagu magcaabi jiray “Spiritual Preparation”.

21kii Oktoobar sanadkii 1969kii S/GuudMax’ed Cali Samatar isagoo G/dhexe ah wuxuu ka mid ahaa saraakiishii talada dalka kula wareegtay inqilaabkii aan dhiiga ku daadan oo uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee madaxweynihii xukuumaddii Dowladii Dhexe ee KacaankaS/Gaas Max’ed Siyaad Barre.

12kii bishii July sanadkii 1970kii S/GuudMax’ed Cali Samatar waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna u dallacay Darajada S/Guuto, Sanadkii xigay ee 1971dii waxaa loo magacaabay wasiirkii wasaaradda Gaashaandhigga.

S/Guud Max’ed Cali Samatar waxaa lagu ammaanaa dadaalka uu ka sameeyay ciidamada dhexdooda, wuxuuna soo saaray askar Ucarbisneyd Soomaalinnimo, aqoon xirfadeed & moral adag oo bir ah leh, taas oo suurtagal ka dhigtay in askartu ka qeybgalaan horrumarinta dalka.

Sanadkii 1973dii S/GuudMax’ed Cali Samatar wuxuu u dallacay Darajada Sarreeye Gaas,sanadkii xigayna wuxuu noqday Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.

12kii bishii July sanadkii 1976dii wuxuu u dalacay Darajada S/Guud, wuxuuna xubin ka noqday Golihii Dhexe ee xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ahna madaxweyne ku xigeenkii 1aad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya ahna wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Sanadku markii uu ahaa 1977dii S/Guud Max’ed Cali Samatar wuxuu ahaa sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee hoggaaminayay dagaalkii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya ay la galeen ciidamadii dowladdii uu hoggaaminayay Col. Mingistu Heylu Maryame, waxayna ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen guulo waa waayeen oo wax ku ool ahaa.

Wixii ka dambeeyay 5tii bishii February sanadkii 1987kii waxaa loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dowladdii Kacaanka aheyd, wuxuuna dalka ka dhisay 4 xukuumadood laga soo bilaabo

5tii bishii February ee sanadkii 1987dii

21dii bishii December sanadkii 1987dii Ra’iisul wasaare

13kii bishii April 1989kii Ra’iisul wasaare

1dii bishii February 1990kii Ra’iisul wasaare.

Dabayaaqadii sanadkii 1990kii wuxuu xilka ku wareejiyay 1dii bishii September sanadkii 1990kii Ra’iisul wasaare Max’ed Xawaadle Madar.

Taariikhda maxamed cali samatar halkaa laguma soo koobi karo laakiin waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa halgamaa qaran.

26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991kii Markii la riday dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta dalka Soomaaliya wuxuu muddo ku noolaa dalka Talyaaniga wuxuuna ka dib u wareegay Dalka Mareykanka Gaar ahaan Magaalada Virginia halkaasi ayuu haatan uu weli ku nool yahay.

Ugu dambeen Waxuu ku geeriyooday Dalka maraykanka waxaana jirta in dadka qaar ay waxyaaba badan ku xasuustaan.

W/Q.Weriye Maxamed Xuseen Axmed Daacad.

COMMENTS