April 15, 2017 | Posted by admin

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safiirka cusub ee Shiinaha ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga, iyo dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Shiinaha.

Safiirka cusub ee Shiinaha Qin Jian ayaa sheegay inuu xoojin doono xiriirka Soomaaliya iyo dalka shiinaha oo ahaa mid muddo soo jiray.

Madaxweynaha ayaa qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in xiriirka labada dal Shiinaha iyo Soomaaliya uu yahay mid gac weyn.

Safiirka cusub ee Shiinaha Qin Jian ayaa lagu bedelay safiirkii horay u joogay ee waqtigiisu dhamaaday oo lagu magacaabo Wei-Hongtian, balse Soomaalida u taqaanay magaca Warsame Geel Jire, waxaana uu ahaa nin ku hadla afka Soomaaliga oo horay uga qalin jebiyay Jaamacadda Umadda.

Shiinaha ayaa ka mid ah wadamada taageera Soomaaliya, waxaa horay ay u dhiseen Xarunta Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Stadium Muqdisho iyo mashaariic kale oo ay ka hirgeliyeen dalka bur burkii dowladda dhexe ka hor.

COMMENTS