April 26, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u
magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda
Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi
Cabdulle (Yuusuf Jaalle).
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha
ayaa lagu shaaciyay in Yuusuf Jaalle si rasmi ah
loogu magacaabay xilka Maareeyaha Guud ee
Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada,
iyadoo xilka laga qaaday Mr C/waaxid Sheekh
Cumar oo xilkan hayay.
Yuusuf Jaalle ayaa horay u soo noqday
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha
Dhexe, waxaana uu ka soo jeedaa magaalada
Jowhar ee xarunta u ah Gobolkaas.
Mr Yuusuf Jaalle ayaa horay madax uga ahaa
Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo,
waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay nin shaqo
badan oo af gaaban, horayna uga soo baxay
shaqooyinka loo dhiibay.
Is bedelkan iyo magacaabistan Hey’adda
Saadaasha iyo Duulista Hawada ayaa qeyb ka
noqoneysa is bedelo horay ugu dhacay xilal kala
duwan, mudada labada bilood ee uu
Madaxweynaha xafiiska joogo, waxaana wali
halkeeda ka sii socota seefta xil ka qaadista ee
xubnaha xilalka haya ee dowladdii Madaxweynihii
hore Xasan Sheekh.

COMMENTS