June 16, 2017 | Posted by admin

Madaxwayne Farmaajo ayaa Maant Boqollaal Dad wayna ah Salaadii Jimcaha kula Dukaday Masaajidka wayn ee isbahaysiga islaamka ee Muqdisho.

Madaxwaynaha Dalka ayaa Salaadii jimcaha ka dib Halkaa ka hadlay Waxuuna ka hadlay arima Farabadan oo ay ka mid yihiin Dagaalka Alshabaab.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya.

” Aduunku waxuu la yaaban yahay Dhibaatada dalka ka jirta Muda dhan dhowr iyo Labaatan sano.

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ka hadlay Dalka Soomaaliya iyo sidii looga Baahan yahay in laga Faa’iidayso Dhaqaalaha Wadanka Ka jira.

Shacabka Soomaaliyeed Waa in ay ka Faa”iidaystaan Dhaqaalaha dalka ka jira islamarkaana ay Dalkooda Ay Maal gashtaan.

Madaxwaynaha ayaa Hadalkaan Maanta ka jeediyay Masaajidka isbahaysiga islaamka ee Magaalada Muqdisho.

COMMENTS