April 24, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe
ee maanta kulan kula qaatay Xarunta
Madaxtooyada Qoyska Marxuum Tahliil Jimcaale
Hubane, oo shalay ay jiireen gawaari galbineysay
Madaxweynaha, xilli uu ku sii jeeday Baydhabo.

Dhacdadan oo aheyd mid shil ah ayaa waxaa ka
gaabsatay Warbaahinta dowladda, iyadoo
Madaxtooyadana aanay markii hore wax war ah
ka soo saarin shilkan, balse maanta gelinkii
dambe qoyska marxuumka dhintay
Madaxtooyada looga yeeray.
Kulan Madaxweynaha uu la qaatay qoyska
Marxuum Tahliil ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka
Warfaafinta C/raxmaan Yariisow, Agaasimaha
Guud ee KMG C/raxmaan Al Cadaalla iyo
Agaasimaha SNTV Liibaan Cabdi Cali,waxaana
Madaxweynaha uu u sheegay qoyska uu ka baxay
Marxuumka ay u tacsiyadeynayaan, dowladdana
ay ka garaabeyso sida uu yiri.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu amray
in xabsiga la dhigo darawalkii waday gaariga, si
loo baaro shilkaas inuu si ku tala gal ahaa iyo
inay aheyd Qadar Alle ku timid.
“Marxuumka naxariistii Janno Alle Haka
Waraabiyo, Qadar ayuu ku dhintay, Dowladda
Soomaaliya Way ka garaabeysaa Geerida
Marxuumka, Ehelkana waan la qeybsanayaa
tiiraanyada, sida uu shilku ku dhacay baaris ayaa
ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in
xuquuqda marxuumka aysan dowladdu meel
cidlo ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri
Madaxweynaha.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya
Mudane Eng Cabdiraxmaan Cumar
Cusmaan”Yariisoow” Oo Kulanka Kadib qabtay
Shirjaraa’id Isagoo uu Garab taaganyahay Cabdi
Jimcaale Hubane oo la dhashay Marxuumka
Geeriyooday ayaa ballanqaaday in ay diyaar u
yihiin sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdii
Marxuumku uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya,

Isagoo Qoyska Guddoonsiiyay Lacag Loogu
Talagalay in duco loogu Sameeyo Alle ha u
naxariistee Marxuum Taliil Jimcaale Hubane.
Cabdi Jimcaale Hubane oo goobta ka hadlay
ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha
JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Farmaajo, Wuxuuna Arrin Ugub ku ah
Soomaaliya ku tilmaamay sida Loo Ixtiraamay
Qoyskooda, dowladda Soomaaliyana uga
Garoowday Shilka uu ku geeriyooday Marxuub
Tahliil Jimbaale Hubane.
Allaha u naxariistee Marxuum Tahliil Jimcaale
Hubane ayaa ka mid ahaa Howlwadeenada
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Isagoo
Sidoo kale ahaa Farsamayaqaan Sare oo la soo
shaqeeyay Kooxdii Fanka IFTIN Ee Wasaaradda
Waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Xiligii
Dowladdii Dhexe Ee Marxuum Maxamed Siyaad
Barre.
Waa markii u horeysay ee Kolonyo galbineysa
Madaxweynaha Soomaaliyeed ay geysato
dhimasho iyo dhaawac, iyadoo inta badan
gawaarida AMISOM looga bartay inay jiiraan
dadweynaha mara waddooyinka, iyagoo marka
ay dilaan isaga dhaqaaqa.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS