February 19, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulammo la qaatay qaar ka mid ah Wasaaradaha dowalada kuwooda Ugu Muhiimsan.

Madaxda uu kulanka la qaatay Waa Xubnaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Maaliyadda, waxaana laga hadlay hufnaanta Nidaamka Maaliyadda iyo Sarreysiinta sharciga dalka.

Kulanka Ugu Horeeyay ayaa looga Hadlay Maaliyadda, waxaa guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana joogey wasiirka Maaliyadda, wasiiru dowlaha, wasiir ku xigeenka agaasimaha, Guud iyo Xisaabiyaha guud, hufnaanta maaliyadda iyo la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa si gaar ah looga hadlay.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in nidaamka iyo daah-furnaanta Maaliyaddu ay tahay midda kaliyah ee lagu maamullayo, isla markaana laga digtoonaado wax walba oo keeni kara musuq-maasuq,

Masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda ayuu faray in ay u howl-galaan sidii nidaam sax ah loogu heli lagaa xuquuqda dhammaan shaqaalaha nooc walba ee u shaqeeyaha hey’adaha dowladda, si loola xisaabtamo iyagana, isla markaana horumar looga sameeyo shaqada dowladda.

Dhanka Garsoorka, Madaxwayne Farmaajo waxauu kula Taliyay Madaxda Cadaalada dalka in looga baahanyahay Dalka in laga dhaqan geliyo Nidaam cadaalad ah oo ku saabsan Daacadnimo.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].
farma1

farma2

farma4

COMMENTS