April 25, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ay u dhoofaan Wadanka Turkiga,waxaana ay halkaas wada hadalo kula yeelan doonaan Madaxda Dowladda Turkiga.

Ujeedka Rasmiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo Wadanka Turkiga lama oga,waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan ay ka wada hadli doonaan Arrimaha Ammaanka Soomaaliya iyo sidii Turkigu uu u labo jibaari lahaa Gargaarka uu ku Caawiyo Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo Dalka Turkiga ayaa noqonaya kii Shanaad ee uu Dalka uga baxo,waxaana Safarkii ugu horeeyay uu ku tagay Madaxweyne Farmaajo Boqortooyada Sacuudiga.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS