December 4, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa furay Shirka Amniga Qaranka, Kaas oo ka furmay Xerada Xalane

Madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyay khudbad waxaa uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale xasilinta Amniga Soomaaliya.

Shirkaan oo uu shir guddoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa ka qeyb gelaya, Madaxda Dowlad Goboleedyada, xubno ka socda Beesha Caalamka, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa daba socda Shirkii Bishii May ka dhacay Magaalada London ee looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya.

24176945_857744267732154_4264540199483632949_n 24301045_1709037395815120_3236646439860649349_n

COMMENTS