May 16, 2017 | Posted by admin

Boqorka Sacuudi Carabiga
Boqor Salmaan Bil Abdulaziz ayaa warqad
casuumaad u soo diray Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Safiirka Sacuudiga u fadhiya Kenya Dr.
Mohammed Abul-Ghani Khayat ayaa
Madaxweynaha ku wareejiyay warqada
casuumaad ah oo loo soo dhiibay, kaddib kulan
ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay danaha
labada dal ay wadaagaan iyo arrimo dhowr ah,
iyadoo Sacuudiga xilligan xoojiyay cilaqaadka uu
la leeyahay Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Riyadha
uga qeyb galaya shirka Dalalka Islaamka iyo
Mareykanka oo uu Boqorka Sacuudiga marti
gelinayo.
Inkastoo aan waqtiga uu dhacayo shirka la
sheegin, hadana waxaa uu noqonayaa shirkii u
horeeyay ee noociisa ee dhex mara Mareykanka
iyo wadama Islaamka.
Dhamaadkii bishii February ee sanadkan ayay
aheyd markii Madaxweyne Farmaajo booqashadii
u horeysay ku tagay Sacuudiga Carabiya, kaddib
markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Safarada Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ah Tan kaliya oo isha lagu hayo maadaama Madaxwayne Farmaajo uu horay u eedeeyay Madaxwaynihii Ka Horeeyay ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS