February 19, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof sida Xogta lagu helay.

Madaxweynaha Ugu Horayn u tacsiyeeyay Ehelada dadkii maanta ku geeriyoodey Qaraxii loo adeegsaday Gaari Walxaha qaraxa laga soo Buuxiyay kaas oo si dhuumaaleysi ah ku marayay wadooyinka Qardajeexa sida ay sheegeen Laamaha amaanka soomaaliya.

Farmaajo ayaa Bartiisa twitter ku sheegay in uu caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxa oo dad u badn shacab ay ku nafwaayeen.

“Qaraxii ka dhacay suuqa kaawo-godey ee Degmada Wadajir wuxuu cadeyn u yahay bahalnimada Al-shabaab, Shacabka iyo Ciidamada waa in ay hal meel uga soo wada jeestaan, si looga guuleysto” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa Ciidamada ammaanka faray in ay xoojiyaan dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, si guul looga gaaro shacabkana ay ugu noolaadaan nolol raaxo leh.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS