October 15, 2017 | Posted by admin

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow tagay goobtii uu qaraxii shalay ka dhacay ee Isgoyska Zoobe iyo Isbitaalada la geeyay dadkii ku dhaawacmay.

Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii shalay, isagoo u rajjeeyay inuu Alle uu bogsiiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goobtii qaraxa ka dhacay kula kulmay dadweyne raadinayay eheladooda, waxaana uu uga tacsiyadeeyay geerida eheladooda, samirna uu alle ka siiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhiig u shubay dadkii dhibanayaasha ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah iyo calanka oo hoos loo dhigay, sidoo kale waxaa uu dadka ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

 

COMMENTS