April 17, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Africa oo soo gaaray caasimada magaalada muqdisho.

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika Axmed Axmed ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho isagu socod kala duwan ku maraya qaar kamid ah garoomada caasimada Muqdisho isagu is weyn loo soo dhaweyay.

Gudoomiye Axmed ayaa xilkan loo doortay 16-Maarso 2017, isagoo xilkan kala wareegay Issa Hayatou oo horay u maamulayay xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika intii u dhaxaysay 10-March 1998-2017.

gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Cabdi Qan Saciid Carab ayaa qeyb weyn ka qaatay doorashadii bishii Maarso lagu qabtay dalka Ethopia oo ku guleystay Axmed Axmed oo ah hogaamiyaha cusub ee Caf.

Socdaalka uu ku yimid gudoomiye Axmed ee magaalada Muqdisho waxaa ku wehlinaye guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta dalka Jabuuti Saleebaan Waabari iyo madax kale oo kasocota CAF iyo FiFA.
Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected]

COMMENTS