October 27, 2016 | Posted by admin

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud ayaa Xariga ka jaray wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan dib udhis wayn lagu sameeyay.

Madaxwaynaha soomaaliya oo maanta booqday wadadaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo mahad celiyo Maamulka Gobalka Banaadir Wasaarada Maaliyada Dalka iyo shacabka Muqdisho oo qayb ka qaatay dhismaha wadadaasi.

Sidoo kale waxaa ku wehlinayay Madaxwayne Xasan xariga ka jarida wadada Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Banadir iyo wasiirka Maaliyada soomaaliya.

Waxaa Farxad weyn u ah Bulshada Degmada Kaaraan in ay noqdaan Martigeliyaasha Xarig jarka wadada Wadnaha uu maanta Furay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud waxaa sidaasi yiri Maamulka Gobalka Banaadir.

Shacabka ayaa madaxwaynaha waxa uu ugu baaqay in ay ilaashtaan wadooyinka loo dhisay.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS