April 25, 2017 | Posted by admin

 

Wafdi Caalami ah oo Hogaaminayo Madaxwaynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Gaaray wadanka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha
Turkiga ayaa ku kulmi doona Ankara, iyadoo
labada Madaxweyne kala saxiixan doona
heshiisyo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad cumar ayaa ka warbixiyay booqashada
Madaxweynaha, isagoo xusay in booqasho rasmi ah uu ku tagayo Turkiga.
Yuusuf Garaad ayaa sheegay in
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ay
Hoggaamin doonaan wada hadalo labada dal
dhex-mari doona.
“Labada Madaxweyne ee Turkiga iyo Soomaaliya
waxay hoggaamin doonaan wada xaajood dhex
mari doona labada dhinac, waxaa la saxiixi
doonaa heshiisyo cusub oo dhex mara labada
dowladood, xoojinta xiriirka labada dal”ayuu yiri
Yuusuf Garaad.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshisyo horay u
Harsanaa iyo qaar cusub lala soo geli doono
Turkiga, isla markaana ay Madaxweynayaasha
labada dowladood ay gaari doonaan.
Dowladda Turkiga ayaa lixdii sanno ee u
dambeeyay taageero joogto ah siineysa
dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo
aheyd dowladda kaliya ee sida tooska ah u
taageereysay dowladda Federaalka iyo
shacabkeeda.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS