July 28, 2016 | Posted by daacad yare

Madaxwaynaha waxa uu sheegay in ay jiraan daruufo kala gedisan oo ardayda haysata ayna ubaahan yihiin in la garab qabto.

Xasan shiikh ayaa sheegay in ay muhiim tahay in fursad wayn lasiiyo dadka aan awoodin in caruurtooda ay waxbartaan.

Waxa uu xusay madaxwaynaha dalka in nabada dalka ay horseed utahay in wax la barto sidaa daraadeedna looga baahan yahay in dhalinyarada garab lagu siiyo.

Dunida xiligaan waa horumartay waxa ayna heerkaa ku gaartay aqoonta oo sare loo qaado ayuu yiri madaxwaynaha dalka soomaaliya xasan shiikh maxamuud.

Waxa uuna hadalkaan ka jeediyay shirka kor uqaadida waxbarashada heerka sare oo muqdisho lagu qabtay.

COMMENTS