December 7, 2016 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw furay shirka Hogaamiyaasha Wadatashiga Qaran , waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxda maamul goboleedyada, Madaxda Federaalka, Wakiilo kasocda beesha Caalamka iyo Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.

Shirkan goordhaw ka furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga arinsanayaa doorashada dalka ka socota iyo hormarada laga gaaray, waxaa sidoo kale looga hadli dpoonaa cabashooyinka laga keenay kuraasta la doortay qaarkood.

Waxaa shirkan goob joog ka ah kana qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal ayaa uga warbixiyay Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga qaran halka ay mareyso doorashooyinka Aqalka hoose iyo cabashooyinka laga keenay kuraasta qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa amaan u jeediyay maamulada qaarkood ee ku guuleestay in ay soo dhameestiraan xiunbnaha labada aqal ee lagu dooranayay maamuladaasi.

Shirka Hogamaiyaasha Madashada Wadatashiga Qaran ayaa lagu falan qeyn doona qodobo badan oo qaarkood xasaasi yihiin, waxaana gabo gabada shirkan la filayaa in laga soo saaro War Murtiyeed ay isku raacsan yihiin dhinacyada ka qeyb galaya shirkaasi.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada.

maddal_4

maddal_3

maddal_2

maddal_1

 

COMMENTS