December 5, 2016 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxanuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay tagaan Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Socdaalka Madaxwaynaha soomaaliya ayaa salka ku haaya arima la xariira Doorashooyinka dalka waxaana lagu Wadaa in hadii uu gaaro Kismaayo uu kulama la qaato Madaxda Maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ah Maamulkii ugu Horeeyay ee soo dhamaystiray Doorashada aqalka Hoose.

 

Magaalada Kismaayo Maalintii Khamiista aheed waxaa gaaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo halkaas ka bilaabay Ololihiisa Doorashada,iyadoo sidoo kale Shalay oo Axad aheyd uu Kismaayo tagay Musharaxa C/raxmaan C.shakuur Warsame oo asna ka mid ah Musharaxiinta.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS