October 16, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Abdillahi Farmaajo ayaa Fadhiya Maanta xarunta Gurmad Qaran Qeybta Qabashada Telefoonada oo Teleefanada Looga qabanayo Dadka Raadinaya Dadkooda,

Madaxwaynaha Dalka ayaa la hadlayay Dadka soo wacaya Telefanada Loo sameeyay in Ehelka dadkiisu ka maqan yahay ay Xog ka helaan.

isaga ayaana ka Qabanaya Oo ka Qoraya Magaca Qofka ay baadi Goobayaan.
Madaxwayne Farmaajo ayaa Iskuna Sheegaya Qofka Soo Wacay inuu yahay Madaxweynaha Qaranka ka dibna waxii ka qorayaa Magaca Qofka ay baadi goobayaan.
Waa Taariikh Cajiib Ah Oo Markii Ugu Horeysay Uu Sameeyey Madaxweyne Qaran, Laakiin waxay ku soo aadan Xili Masiibadii ugu wayneed ay ka dhacday muqdisho, waxaana la sheegay in Qaraxii ka dhacay Muqdisho uu ahaa Qaraxii ugu waynaa ee ibid ka dhaca Soomaaliya.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

 

COMMENTS