October 19, 2016 | Posted by admin

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerarkii shalay gelinki dambe Al-shabaab ay ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hooose.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay Hay’adaha Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in uu kala hadlay weerarkii shalay ka dhacay Degmada Afgooye sidii jawaab deg deg ah looga bixin lahaa, isagoo sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dhacdooyinka nuucaan oo kale ah oo Shabaabka ay la beegsadaan Askarta iyo Dadka shacabka ah.

“Marnaba looma dulqaadan karo in cadowga uu maalin cad weeraro shacabka iyo ciidanka ku sugan degmada Afgooye, Waxaana ku amray in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadii shalay ay shabaab ku weerareen degmadaas, Sidoo kale waxaan faray in la dardargeliyo howlgalka lagula jiro Shabaab” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga iyo Ciidanka Amaanka, si looga hortago weerarada Shabaab.

COMMENTS