July 6, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, kaddib markii shaki la geliyay caafimaadkiisa, ayna soo baxeen warar sheegaya inuu ku xanuunsanayo dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sii deysay muuqaal soconaya daqiiqad iyo bar oo uu ka soo muuqanayo Siilaanyo, isagoo la kulmayay mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inuu ku sugan yahay Imaaraadka Carabta, isla markaana uu caafimaad qabo.

“Waxaa joognaa dalka Imaaraadka Carabta, waan caafimaad qabaa, aad iyo aad baan u wanaasanahay, si dhaqso ah ayaa dalka ugu soo laabanayaa”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in mar walba oo uu safar dibadda u aado la yiraahdo inuu xanuunsanayo, taasna aanay waxba ka jirin, sida uu yiri.

“Dadkaan leh Madaxweynaha ayaa xanuunsanaya, markaan baxaba, waxaa leeyahay wax alle wax ka jira ma jiraan, illaahey baa caafimaadka haya, waana caafimaad qabaa waa wanaagsanahay”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

COMMENTS