August 7, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada oo ka kooban 53 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-Dowlayaal iyo ku xigeeno.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland C/llaahi Max’ed Jaamac Quraan Jecel ayaa saxaafda u aKhriyay degreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne C/weli Gaas ee  ku aadaneyd liiska golaha wasiirada.

Dr Cweli Max’ed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo maal mahan ku mashquulsanaa kulamo wada tashi ah ayaa soo geba gebeeyey wadatashiyadaasi, iyadoo goor dhow aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe loogu dhawaaqey Golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Liiska Magacyada wasiirada:-

  1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
  2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
  3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR
  4. Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada
  5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
  6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
  7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
  8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka
  9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
  10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
  11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
  12. Maryan Axmed Cali Wasiirka Hormarinta Haweenka
  13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
  14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  15. Cabdulaahi Sh. Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
  16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Deegaanka

  1. Cabdirshiid Maxamed Xirsi wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
  2. Cabdi khadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
  3. Cabdiraxman Sh. Axmed Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
COMMENTS