January 9, 2017 | Posted by admin

img_9383

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu Hogaaminayo ayaa lafilayaa inay saaka gaaraan Degaanka  Qandala oo dhowaan ciidanka  Puntland ka saareen dagaalyahano taabacsan Kooxda Daacish oo Ka hore halkaasi la wareegay.

Madaxweynaha  Puntland ayaa la sheegay inuu halkaas kula kulmi doono Saraakiisha Ciidamada  Puntland iyo shacabka Qandalla islamarkaana uu kala hadli doono Sidii Kooxda Daacish looga saari lahaa Gobolka Bari oo idil sida aan wararka ku helnay.

Kooxda Daacish ayaa Xarun ku leh Buuraleyda gal-gala,waxaana sidoo kale la sheegaa in ay ku sugan yihiin Buuraleyda Gobolka Bari.

La soco Faah faahinta warkaan.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS